War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax weyn ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodon magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Gaari lagu soo xiray Miino, iyadoo gaariga uu lahgaa sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya.
Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu ka badbaaday miinada loogu xiray gaarigiisa, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray qof haween ah oo halkaasi ku lahayd goob ganacsi.
Ciidanka xasilinta ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasoo ay ka bilaabeen baaritaan.
Wadani