Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxyo kala duwan caawa ka dhaceen magaalada.
Mooto Bajaaj la sheegay inay siday waxyaabaha qarxa ayaa u qaraxday Wadadda 21-ka Oktoobar, waxaana wararku sheegayaan in laba qof ay ku dhaawacmeen oo gaariga saarnaa, iyadoo midkood uu dhintay.
Dhinaca kale mas’uul ka tirsan degmada Dayniile ayaa ka badbaaday qarax gaari loogu xiray. Qaraxaan ayaa ka dhacay caawa jidka Warshadaha ee Magaaalda Muqdisho, agaagarka Warshadii Taraqa iyo Sigaarka, qof ayaa la soo weriyay inuu qaraxa ku geeriyooday.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala damacsanaa Gaari uu watay Masuul ka tirsan Maamulka degmada Deyniile oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cusmaan Wehliye.
Maanta ayaya ahayd markii weerar weyn lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dad badan lagu laayay, isla markaana burbur badan goobtaasi ka dhacay.