War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamadaa Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, kana howgala Magaalada Muqdisho ay qabteen Gaari miineysan, Qaraxyo, Hub iyo Afar dabley ah oo u diyaarsanaa inay howlgal weyn ka fuliyaan Muqdisho.
Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa sheegtay in dableyda la qabtay iyo waxyaabaha qarxa ee ay wateen ujeedkoodu ahaa in lagu fuliyo weeraro xoog leh oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Amniga ayaa ka warhelay, kuna guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan gaadiidka qaraxyada iyo dableyda ka tirsan Alshabaab, waxayna sheegeen in la soo bandhigi doono.
Wadani.com