War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qaraxyo xoog leh uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxyada oo laga maqlay guud ahaan magaaalada ayaa ahaa kuwo aad u culus gaar ahaan qaraxii labaad oo ruxay degaanada u dhow garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo degmooyinka Wadajir, Waaberi iyo Dharkeynley.
Mid ka mida Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee degmada Wadajir.
Faahfaahin qaraxyada ayaa hadda soo baxeysa, iyadoo qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah uu jiro. Qaraxyada ayaa saameyn ku yeeshay Hotelka Peace ee u dhow garoonka iyo xarunta Xalane ee fadhiga ciidamada AMISOM.
Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay agagaarka Garoonka iyo Xerada Xalane ee Muqdisho
Wadani.cpm