Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxyo is xigay ay ka dhaceen Saldhigga ciidamada Af-urur ee duleedka magaalada Boosaaso.
Qaraxyada ayaa la sheegay inay ahaayeen miinooyin ka dhigay goob Qaadka lagu iibiyo oo ka mida saldhigga, halkaasoo la qarxiyay xilli askar badan ay qaad iibsanayeen.
Qaraxa koowaad ayaa goobta ka dhacay, iyadoo la hoosgeliyay kabadhka Qaadka, iyadoo qarixii labaad uu iska goobta ka dhacay markii dad badan isugu yimaadeen goobta qaraxa koowaad ka dhacay0.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegay inuu jiro, waxaana isbitaalada loo qaaday dhaawac badan 50 ruux, geerida ayaa la sheegay inay gaareyso 3 askari.
Saldhiggan waxaa hore weerar lagu dilay askar fara badan ugu baaqay ururka Alshabaab, iyadoo lagu dilay ciidamo ka badan 30 oo saraakiil iyo askar isugu jira.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…