Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegay in qofkii ugu horeeyay uu dalkaasi ugu geeriyooday cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus.
Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa lix Oday 66 sano jir ah oo ku dhintay Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi, sida uu sheegay Wsirka Caafimaadka Kenya Muthwa Kagawe.
Ninkan oo ahaa muwaadin Kenyan ah ayaa la sheegay inuu qabay cudurka Sonkorta, wuxuuna ka yimid dalka K/Afrika 13-kii Maarso, isagoo xaalad degdeg ah, kadibna cudurka u geeriyooday goor dhoweyd.
Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday laba kiis oo cusub oo laga helay dalkaasi, waxaana tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ay gaareen 31 qof.