Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa ka badbaaday cod kalsooni kala noqosho ah oo xubnaha xisbigeeda ay u qaadeen kadib khilaaf ka dhashay sida UK uga baxeyso Midowga Yurub.
Codka oo qarsoodi ahaa in muddo ahna socday ayaa natiijadii waxay noqotay in Theresa May ay ka badbaaday iyadoo heshay 200 cod, halka ay kasoo horjeesteen 117 cod.
Ra’iisal wasaare Theresa May oo maanta baarlamaanka UK dood culus ku wajahday ayaa u baahneyd si ay uga badbaado mooshinka codka kalsoonida loogu qaaday codad dhan 159 cod.
May ayaa hadda heysata 1 sano oo ay xilka sii heyn doonto, iyadoo hore u sheegtay inaysan mar kale is sharixi doonin.