Waxaa goor dhow soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka qeyb galaya caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa hore loo filayay inuu ka baaqsan doono caleemosaarka iyadoo guddiga qabanqaabada ay shaki weyn ka muujiyeen.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxweynaha Jabuuti qeyb weyn ka qaatay qancinta Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo hore si buuxda ugu taageertay dib u doorashada madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Madax ka socota dalalka Kuwait, Masar, Sacudiga, Turkiga iyo dalalka deriska ah ayaa lagu wadaa inay goor dhow soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Wadani.com