Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta hor tegay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ay la socdaan wasiiro iyo taliyaha NISA ayaa tegay xarunta Baarlamaanka, iyagoo ka jawaabaya u yeeristii Baarlamaanka Soomaaliya.
Kadib markii kulanka Baarlamaanku furmay ayaa Ra’iisal wasaaraha ka codsadayin kukanka Baarlamaanka uu noqdo kulan xiran oo saxaafadda laga saaro, taasoo buuq ka dhex dhalisay xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qeybsamay arrintaasi.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday in saxaafadda laga saaro kulanka Baarlamaanka, waxaana ogolaatay in saxaafadda laga saaro kulanka 74, halka ay diideen 65 kale, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan, taasoo keentay in kulanka uu noqdo mid albaabada u xiran yihiin, waxaana dibadda ka joogta saxaafadda oo sugeysa in Shirku soo dhammaado.
Wadani.com