War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya xilkii laga qaaday.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi Aali, iyadoo xilka uu si KMG ah u sii heyn doono Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi C/xakiim Xasan Ibrahim Ashkir.
Lama shaacin sababta xilka looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi Cali, waxaase xilka qaadista xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).