War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu shaqadii ka joojiyey Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumdda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Wareegtada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo goor dhoweyd laga akhriyey Telefishanka dowladda ayaa lagu sheegay inuu tixgeliyey ra’iisal wasaaraha dacwada lagu soo oogay, si hay’adaha sharciga iyo isla xisaabtanka ee xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka guud ay u gutaan shaqadooda.
Arrintan ayaa dhabaha u xaareysa in xabsi la dhigo wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda oo loo heysto kiis lagu musuq iyo hor istaag shaqo, waxaana arrintiisa laga cabsi qabaa inay soo dedejiso is-casilaad kale.
HOOS KA DAAWO WARKA