Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo uu madaxweyne noqday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Rasaasta waaweyn ayaa is qabsatay magaalada oo dhan iyadoo Maxamed C/llaahi Farmaajo uu balanqaaday inuu dalka iyo dadka u shaqeyn doono.
Dabaaldegyo waaweyn ayaa hareeyay magaalada, Rasaasta la ridayo ayaa waxaa ku soo biiray rasaasta waaweyn ee lidka diyaaradaha, waxaana arrintan ay caddeyn u tahay taageerada balaaran oo uu heysto musharax Farmaajo
Waxaa gebi ahaan is bedelay xaalada magaalada Muqdisho iyadoo bandowgii la jebiyay isla markaana wadooyinka dhan ay buuxiyeen dad dabaaldegaya.