War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta meel u dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Rasaasta ayaa ku bilaabatay qaab is weydaarsi ah, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in rasaasta ay ka dhaceyso Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira warar kala duwan oo sheegaya in dabley lug ah ay weerar ku qaaday hotelka SYL.
Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin Alshabaab ayaa weerar ku qaadya Hotelka, iyadoo dagaal la galay ciidamada ilaalada hotelka, waxaana weli socda weerarka, iyadoo dableyda qaarkeed la sheegay inay galeen hotelka…
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..