Rasaas ayaa laga maqlayaa qeybo ka mida magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka bilowdeen bannaanbaxyo ay hoggaaminayaan Musharixiinta Madaxweynaha.
Waxaa goor dhoweyd rasaas loo adeegsaday Bannaabax uu horkacayay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud Cali Kheyre Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Musharax C/kariin Guuleed iyo xildhibaanno; iyadoo dadweyne badan ay la socdeen jidka isku xira garoonka iyo KM4.
Lama oga qasaaraha ka dhashay rasaasta loo adeegsaday bannaabaxayaasha sida nabadda ah usoo baxay, waxaana weli la maqlayaa rasaas goosgoos ah oo mar kaliya is qabsatay.
Waxaa isla jidka aada garoonka bannaanbax ku maray dadweyne uu hoggaaminayo Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dadweyne kula hadlay agagarka KM4, iyadoo daqiiqado kadib markii ay soo bateen bannaanbaxyada rasaas loo adeegsaday.
Dhinaca kale bannaanbaxyo kale ayaa ka socda Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho, waxaana lasoo weriyey in Isgoyska Howlwadaag ay ciidamada dowladda ku dileen laba qof oo shacab ah, halka Isgoyska Trebuunka lasoo sheegay inay sidoo kale qof shacab ah lagu dilay.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
