Sawirqaade Mukhtaar Nuur ayaa caawa la sii daayay kadib muddo saddex maalmood ka badan oo uu ku jiray Xabsiga NISA ee Godka Jilacow.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri: “Mukhtaar Nuur waa la sii daayey oo dowlada Federaalka waxaa ka go’an in muwaadin walba cadaalad helo. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena iyo kan Shacabka tixgeliyey…”.
Wasiirka ma sheegin sababta loo xiray sawirqaadaha oo caan ka ah baraha bulshada iyo cidda ka dambeysay xarigiisa, mana sheegin cidda loo raacanayo tacadiga xoriyadda looga qaaday muwaadinkan, iyadoo sii deyntiisana ay tahay damiin.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Mukhtaar nuur xirtay taliye ka tirsan NISA oo arrimo ay ka dhaxeeyeen. Sawirqaadaha ayaa Khamiistii laga qabtay xarunta Safaaradda UAE ee Muqdisho agteeda.