Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka magaalada Garowe, isagoo kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa waxaa Garoonka magaalada Garowe ku soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo madax ka tirsan Maamulka Puntland, ciidamada iyo dadweyne fara badan.
Madaxweynihii hore ayaa ka mida mas’uuliyiinta lagu casuumay caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland.
Dhinaca kale waxaa Garoonka magaalada Muqdisho ka duulay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo diyaarada uu la socdo la filayo inay goor dhoweyd gaarto garoonka Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.