Shirkii Madasha wadatashiga madaxda Soomaalida ee la filayay in go’aan looga gaaro qaabka loo qabanayo doorashada 2016 ayaa la isku mari waayay kadib muddo 5 maalmood ah oo madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka ayay shirar kala gaar ah ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Madaxda ayaa isku afgartay is mari waagga kadib in dib shir kale la isugu soo laabto 5-ta Bisha Janaayo, sida aanu hordhac haan uga helnay ilo ku dhow madaxda iyagoo goor dhow la shaacin doono arrintan.
Laba aragti oo kala ah in qaabkii beelaha ee 4.5 lagu soo xulo Baarlamaanka soo socda iyo in qaabka degmooyinka lagu saleeyo ayaa la isku mari waayay, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubba ay ku adkeysteen in qaabka degmooyinka lagu saleeyo Baarlamaanka.
Dhinaca kale ayaa si weyn u diidan arrintan iyagooo tuhusan in degmooyinka oo aan la isku waafaqin tiradooda ay keeni doonto in maamul kasta uu ku soo qorto dad uu isago wato.
Shirka 5-ta bisha Janaayo lagu balamayo ayaan la ogeyn waxa ku soo kordhi doono arrintan iyadoo ay xaaladda ku dhex jirto Beesha caalamka.
Wadani.com