Wareegii saddexaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhoweyd soo gabagabowday, iyadoo ay ku loolameen laba musharax oo isugu soo haray.
wareegga saddexaad waxaa isugu haray Gen. Asad Cismaan C/llaahi iyo Saciid C/llaahi Deni, iyadoo natiijada ay noqotay inuu guuleystay Siciid C/llaahi Deni oo helay 35 cod, halka uu musharixii la tartamayey ee Asad Cismaan C/llaah uu helay 31 cod.
Waxaa madaxweynaha Puntland 5-ta sano ee soo socota 2019 – 2023 noqday Mudane Siciid C/llaahi Deni oo helay codada gaaraya Saciid C/llaahi Deni. Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqaya natiijada rasmiga ah.
Doorashada ayaa ahayd mid la yaab leh oo ay wada hareen musharixiin la filayay inay meel wanaagsan gaaraan, waxaana wareegii koowaad ku haray madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas.