Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari uu la socday sarkaal sare oo hore uga tirsanaa hay’adda NISAN.
Kooxo hubeysan ayaa weeraray taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Nabadsugidda NISA ninka lagu magacaabo Xasan Dheere, waxaana weerarkaasi uu ka dhacay agagaarka Ceelgaabta oo ku dhow madaxtooyada.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Xasan Dheere, dhaawaciisuna yahay mid culus, waxaa kaloo ku dhintay askari ka mida ilaaladiisa, halka mid kale uu dhaawacmay.
Sarkaalka oo weli ka tirsan NISA ayaa laga qaaday goobta weerarku ku qabsaday, waxaana loola cararay isbitaal.
Weerar kale ayaa iminka la soo weriyay inuu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, weerarkan ayaa lagu dilay afhayeenkii maamulkii hore ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey.
Wadani.com