Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ku qulqulay wufuud ka kala socota Q/Midoobay, IGAD iyo wakiilada Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Garowe ayaa sheegaya in garoonka magaalada ay ka degeen wafdiyada Qaramada midoobay ee uu horkacayo Micheal Keating, Safiirka Midowga yurub, Safiirka Talyaaniga, wakiilka IGAD iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
Wafdiga balaaran madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, waxaaana la geeyay xarunta madaxtooyada Garowe, oo la filayo inay maanta ka dhacdo xaflad lagu soo bandhigo heshiis ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo Puntland oo maamul goboleedka Puntland ku ogolaaday qaabka doorashada 4.5
La soco wixii soo kordha insha allaah.
Wadani.com