War-murtiyeed ku saabsan heshiis Madasha Qaran ee Wada-tashiga ku gaareen shirkoodii magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in la shaaciyo maanta.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya lagu qaban doono shir jaraa’id oo loogu yeeray saxafiyiinta si loo shaaciyo heshiiska ay gaareen madasha Qaran oo muddo toddobaad ku dhow magaalada Muqdisho ku shirsaneyd.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa arrintan loo xilsaaray iyadoo inta badan madaxweynayaasha maamulada ay ka tageen Muqdisho marka laga reebo C/weli Gaas.
Wadani.com ayaa hore u shaacisay xogta heshiiska ay isla gaareen madaxda Madasha Qaran iyadoo dib looga noqday isbedello hore loogu sameeyay Aqalka sare, isla markaana dib loogu celiyay 54 xubnood iyo magaalada Muqdisho oo aan wax metelaad ah laga siin Aqalkaasi.
AKHRISO XOGTII GOOBJOOGE.COM
http://goobjooge.com/xog-xubnaha-aqalka-sare-oo-isbedel-lagu-sameeyay-akhriso-shaxda-cusub/
Wadani.com