Waxaa goor dhow la sii daayay oo dib u helay xorriyadooda agaasimihii TV-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Afrika C/llaahi Kulmiye Xersi iyo Weriye Cawil Daahir Salaad, kuwaasoo u xirnaa hay’adda Nabad sugidda qaranka muddo lix Maalmood ah.
Agaasimaha Muqidsho ee UNiversal TV Naciimo Ciise oo ayaa xaqiijisay in lasii daayay Wariye Cawil Daahir Salaad oo barnaamij soo saare ka ahaa TV-gaas iyo Agaasimahii Bariga Afrika ee Talefishinkaasi Cabdullaahi Xirsi Kulmiye.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Csmaan Jawaari ayaa maanta la dalabaday xeer ilaalinta inay sii deyso weriyeyaasha balse wax faahfaahin ah lagama bixin in la cafiyay iyo in damiin lagu sii daayay midna.
Wadani.com