Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ahaa wasiiru dowle.
Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay magaalada Jowhar caawa toogasho ku dishay Wasiiru dowlihii Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, kadib markii ay toogteen xilli uu kasoo baxay masjid, kuna spcdau Gurigiisa iyagoo kadibna baxsaday.
Dilka Marxumka ayaa ka dhacay Xaafada Kulmis eemagaalada Jowhar. Laamaha Amniga Magaalada Jowhar ayaan weli wax war ah kasoo saarin falkan, waxayna ahayd 18-kii Bishii August markii isla Magaalada Jowhar lagu dilay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka ee Hirshabelle C/qaadir Abuukar Maxamed.
Ciidamada Amniga ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay waxaana socda howlgal lagu raadinayo dableydii falkaasi geysatay, waaa dilkii labaad oo Jowhar lagu dilo mas’uul ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

