War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Wasiirkii Isgaarsiinta xukuumadda Federaalka Itoobiya Axmed Shide loo doortey Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Somali People’s Democratic Party (SPDP).
Xilkan ayaa ahaa kii ugu danbeeyay ee uu hayey madaxweynihii is casilay ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar Cabdi Iley oo magaalada Addis ababa xabsi guri ku jira.
Waxaa lagu wadaa inuu Axmed Shide noqon doona madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya, waana nin ku dhow Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iagoo ka mid ahaa wasiiradii xukuumadda Abiy Ahmed.