Wafdi ka kooban wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Ertirea Dr. Workneh Gebeyehu iyo Osman Saleh ayaa goor dhoweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wafdiga oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea waxaa ka dhex muuqday la-taliyaha madaxweynaha Eritrea, waxaana Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Kulan saddex geesood ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro iyadoo laga soo saarid oono heshiisyo iskaashi iyo isbaheysi dhex maraya saddexa dal.