War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Iiraan Mohamed Jawad Darif uu ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.
Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa is-casilaadiisa ku shaaciyey bartiisa Instagram, isagoo sheegay inuusan sii wadi karin howsha culus, kana gaabiyey howshii laga sugayey, sida uu yiri.“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Iiraan iyo mas’uuliyiinta oo xilkan igu aaminay muddo 67 bilood ah… waxaana ka cudurdaaranayaa inaan sii wadi karin iyo sidii aan uga gaabiyey, waxaan idin rajeynayaa horumar iyo barwaaqo..” ayuu qoraalkiisii is-casilaadda ku yiri Wasiirkii Arrimaha dibadda Iiraan
Wakaalada wararka Iiraan ayaa xaqiijisay is casilaadda wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mohamed Jawad Darif oo is-casilaadiisa kusoo beegantay xilli Iiraan ay mareyso xaalad adag oo diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha Iran Hassan Rohani ayaa la sheegay inuusan aqbalin is-casilaadda wasiirkiisa Arrimaha dibadda oo muddooyinkii danbe uu cadaadis ka heystay kooxaha xag-jirka.