Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wareeggii saddexaad ee ayaa labada musharax ay si weyn ugu loolameen doorasho ka mida kuwii ugu adkaa ee xilkan loo galo taariikhda, waxaana labada musharax ay ahaayeen kuwo iska daba dhow oo mararka qaarkood tirada codadkooda isku mid ahaayeen.
Wareegan oo lagu kala baxayey cod hal dheeri ah ayaa waxaa natiijadii ay noqotay:
1- Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan; wuxuu helay : 147 Cod
2 Ibraahim Isaaq Yarow : ayaa isna helay: 118 Cod
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa goor dhow iyadoo ay tani guul u tahay xukuumadda iyo madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn u taageerayay musharaxa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Doorashadan ayaa muujineysa in xildhibaannada Baarlamaanka ay ku kala qeybsan yihiin taageerada xukuumadda Soomaaliya iyadoo aqbaliyad yar ay dhinacooda u janjeerto.