Wasiirkii maaliyadda dalka Qatar ayaa la amray in la xiro kadib markii uu lagu soo oogay dembiyo ku saabsan musuq iyo ku takri-fal awoodda xafiiska.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay in kadib markii uu dib u eegay Qoraallada iyo warbixinada ku lifaaqan kiiska wasiirka uu xeer ilaaliyaha guud ee dalka Qatar amar ku bixiyay in la soo xiro wasiirka maaliyada Cali Shariif Al-Cimadi.
Arrimaha loo heysto wasiirka Maaliyadda dalka Qatar waxaa ka mida: Si xun u adeegsiga xaisiska, ku-takrigalka lacagta dawlada, ku takrifalka awoodda xafiiska iyo maamulka.
Dacwad oogaha guud ee dalka Qatar wuxuu Amar ku bixiyay in la furo baaritaan weyn oo ku saabsan dambiyada lagu soo oogay Wasiirka.
