Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaaday Hotel ku yaalla magaaladaasi.
Weerarka oo goor dhow dhacay ayaa la sheegay in Maleeshiyada Alshabaab ay qaraxyo la beegsadeen Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, iyadoo qaar ka mida maleeshiyada ay gudaha u galeen Hotelka.
Rasaas aya laga maqlayaa gudaha hotelka oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana weli socda weerarka, iyadoo ay sheegtay Alshabaab mas’uuliyadda weerarka ka socda Hotelka magaalada Kismaayo.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
