Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday Kaniisad ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah oo ku taalla magaalada Pittsburg ee Gobolka Pennsylvania.
Ninka weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu ahaa caddaan isagoo rasaas ku furay dadkii ku sugnaa Kaniisadda, waxaana lasoo weriyay inay ku dhinteen ilaa 8 qof iyadoo dhaawaca dhowr qof oo kale.
Dadka la toogtay ayaa la sheegay inay saddex ka mida ka tirsan yihiin ciidamada Booliska, waxaana Booliska isu dhiibay ninka weerarka geystay oo la xiray kadib markii ay ciidamadu hareereeyeen.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamo fara badan loo diray goobta weerarku ka dhacay, waxaana la xiray guud ahaan degaannada u dhow Kaniisadda la weeraray.