War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in gaari uu watay weriye sawir-qaade ah oo ka tirsan Telefishanka Universal uu ku qarxay magaalada Muqdisho.
Qofka gaarigiiga qaraxa loogu xiray ayaa lagu magacaabaa C/xamiid, (Xamiid karzai) waxaana la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray, kana tirsan yahay shaqaalaha Universal TV.
Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne, xilli uu halkaasi marayay weriyaha. Wararka ayaa sheegaya in isbitaal loola cararay weriye C/xamiid Karzai.
Qaraxyada lala beegsado dadka iyo falalka khaarijinta ahaa ku soo badanaya magaalada Muqidisho muddooyinkan.
SAWIRRO: Mid ka mida shaqaalaha Telefishanka Universal ee Muqdisho oo gaarigiisa lagu qarxiyay