War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in la sii daayay weriye ay shalay affuubteen kooxo hubeysan.
Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in weriye Hanad Cali Guuleed oo ay shalay afduubteen koox hubeysan lagu soo tuuray degmada Afgooye.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weriyaha oo gacmaha ka xiran lagu soo tuuray Beerta Naasir ee degmada Afgooye, isagoo nool balse dhibaatooyin loo geystay.
Weriyaha ayaa la sheegay in xaaladiisu degan tahay, waxaana gacanta ku haya maamulka Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.
Weriye Hanad ayaa ka howlgala Idaacadda iyo TV-ga Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa hadal kooban oo lala yeeshay wuxuu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Sooamaaliya ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay in Weriye Hanad Ali Guled uu bed qabo kana soo baxsaday dadkii Afduubtay oo uu Afgoye joogo. “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in baaris la sameeyo si Sharciga loo horkeeno dadkii afduubka ka danbeeyey..” ayuu yiri wasiirka.
Wadani.com