Fadhigii labaad ee kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo ku soo biiryay Baarlamaanka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday xildhibaan Dastuuri ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka sida uu qorayo dastuurka KMG ah.
Dhaarinta xildhibaan Xasan Sheekh kadib ayuu la hadlay xildhibaanada golaha shacabka isagoo u jeediyay khudbad mahadcelin iyo dardaaran ah.
Madaxweynihii hore ayaa lagu wadaa inuu dhowaan dalka ka tago isagoo in muddo ah ku soo qaadan doono dibadda inta aanu dib ugu soo laaban magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wadani.com