Maxkamadda Sare ee ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa saaka ku dhawaaqday xukun cusub oo mar labaad lagu riday Xasan Xanafi Xaaji oo ku eedeysanaa dilka weriyeyaal fara badan, oo hore xukun dil toogasho ah ay ugu riday maxkamadda Darajada Koowaad ee Milateriga.
Rafcaan uu xukunkaasi ka qaatay Xasan Xanafi ayay maxkamadda sare u fariisatay Khamiistii dib u eegista xukunka dilka ah ee Xasan Xanafi, waxayna saaka ku dhawaaqday xukunka mar kale lagu riday eedeysane Xasan Xanafi.
Maxkamadda Sare ayaa mar kale Xasan Xanafi ku riday xukun ah dil toogasho, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Liibaan Sheekh Yarow, kadib markii ay dib u eegis ku sameysay maxkamadda xukunka lagu riday.
Waxaa guud ahaan soo dhammaaday xukunkii koowaad iyo rafcaanka Xasan Xanafi qaatay, wuxuuna hadda yahay dil suge xilli kasta la toogan karo marka uu saxiixo madaxweynaha dalka.