Dil sugee Xasan Xanafi Xaaji C/salaan ayaa saaka lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliska magaalada Muqdisho kadib markii ay dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida, kadibna ku raacday Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida.
Fulinta toogashada Xasan Xanafi ayay goobjoog ka ahaayen saxadiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee dalka, waxaana dilka ku fuliyay dhowr askari oo mar qura rasaas ku riday eedeysanaha marxuumay.
9-kii December Sanadii 2014kaii ayaa Xanafi Marakii u horeysay Lagu Soo Bandhigay Magaalada iyadoo laga soo qabtay dalka Kenya.
3-March 2016 Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay dilal Saxafiyiin.
26 March ayay haddana Maxkamada sare xukun dil toogasho ku riday Xasan Xanafi markii Racfaan ka qaatay xukunkii hore.
Dilka toogashada ah ee saaka lagu fuliyay Xasan Xanafi wuxuu soo afjarayaa mid ka mida kiisaska ugu waaweynaa ee ay qaadeen maxkamadaha milateriga.
Wadani.com