Waxaa goor dhoweyd soo dhammaatay doorashada Wareegii labaad kursigii Baarlamaanka ee Jufada Cali Madaxweyne ee Beesha Xawaade oo ka socotay magaalada Jowhar.
Kursigan oo ay ku loolamayeen lix musharax, waxaana isugu soo haray C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) -Taliyihii hore ee NISA iyo Nuur Iidow Beyle -Musharax Hirshabeelle oo ahaa xildhibaan hore.
Waxaa kursiga Baarlamaan ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo helay 27 cod, halka C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe uu helay 24 cod, waxaana sidaasi guusha ku raacday musharixii ay wadatay madaxtooyada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa bannaan Xaliimo yarey ayaa ku dhawaaqday natiijada, iyadoo ay ahayd doorasho si weyn dhaqaale loogu loolamay.