Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre ayaa goor dhoweyd lagu dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen isagoo wadada marayay isagoo markaas uun ka soo baxay hoygiisa kuna socda xarunta Baarlamaanka.
[ad name=”HTML-2″]
Dilkan oo ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska ayaan la ogeyn inuu saameyn ku yeelan doono kulanka Baarlamaanka ee maanta la filayay in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]