Xildhibaannada Golaga shacabka ayaa ansixiyey hindise sharciyeedkii labaad ee maanta oo ahaa Hindisaha Sharciga Xaqsiinta Ciidanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka inay ansixiyaan sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.
171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.
Dhinaca kale inta aan la asixin xeerka ayaa waxaa buuq ka sameeyay Golaha qaar ka mida xildhibaananda oo diidanaa in maanta cod loo qaado sharcigan, balse markii danbe maanta oo ahayd maalin ansixin ayaa cod loo qaaday.