Waxaa goor dhoweyd Kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Shacabka lagu ansixiyey xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.
Kulanka oo ku furmay 164 Xildhibaan ayaa sii kordhay tirada oo gaartay 171. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo shirka guddoominay ayaa cod geliyay Xeerhoosaadka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka golaha shacabka, waxaana ansixiyey 170 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, iyadoo aanu jirin cid ka aamustay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.