Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd cod loogu qaaday ‘Heshiiska Jiheyna Doorashada’ ee ay 17-kii Septembar 2020/2021 gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka + G/Banaadir.
Waxaa fadhiga kasoo xaadiray 215 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka iyo 40 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana la furay dood xildhibaannada iyo Senatoorada ay ka hadleen qoobo ka mida heshiiska oo u baahan wax ka bedel.
Waxaa doodda isu qoray 55 xildhibaan, iyadoo Xildhibaan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay in heshiiska uu ka maqan yahay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, taasoo loo baahan yahay iyo cidda leh go’aanka ugu danbeeya ee muranka ka dhasha kuraasta la isku qabsado.
Ugu danbeyn codeyntii la qaaday waxay u dhacday:
Waxaa ansixiyey: 252
Waxaa diiday: 2
Waxaa ka aamusay: 1
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay meel marinta Heshiiska iyo lifaaqa, ayna lifaaq talo-soo jeedin ah ku dari doonaan, una iri doonaan madaxeynaha.
