Qar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa buuq ku furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii uu bilaabay khudbadii uu ka jeedinayey xafladii furitaanka Kalfadhiga 7-aad.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay Khudbadiisa, kadib markii ay xafladda ka hadleen Guddoomiyeyaasha labada aqal, laakiin waxaa soo dhex xalay xildhibaanno mucaarad ah oo buuq iyo sawaxan ku furay madaxweynaha kana jooiyey khudbadii.
Waxaa fadhiga ka istaagay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo madaxweynaha ku oriyey, isla markaana heeso wadani ah ku qaaday, iyadoo ay xaaladda weli qasan tahay.
Qaar ka mida xidlhibaannda ayaa watay Seeri, halka qaarkood ay heesayeen, waxaana madaxweynaha uu marar badan ka codsaday inay fursad siiyaan uu ku khudbeeyo, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka dhinaciisa uu dadaal ug galay inuu xaaladda dejiyo.
Xaalada ayaa cakiran iyadoo ciidamo lagu dhex arkay gudaha Baarlamaanka, waxayna tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee xildhibaannada Soomaaliyeed ay u diidaan Madaxweyne inay ka qasaan jeedinta khudbadiisa.
Waxaa dib u bilowday khudbadii Madaxweynaha ee furitaanka Baarlamaanka Madaxweynaha kadib muddo 15 daqiiqo ah ay fowdeeyeen, wuxuuna khudbadiisa ka hor sheegay in laba xildhibaan ay afduubeen maanta 320 xildhibaan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..