Qaar ka mida xildhibaannada mucaaradka ah ayaa goor dhoweyd lagu arkay xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho, iyagoo wata Boorar oo ku bannaanbaxaya xarunta.
Xildhibaanadan oo si weyn ugu kacsan xukuumadda ayaa wata waraaqo ay ku qoran yihiin: “Golaha shacabka waa wakiiladii iyo codkii Shacabka la xasuuqayo, ma aha gole SACAB.” waxaana ka dhex muuqday xildhibaanada xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
Xildhibaannadan ayaa ka horjeeda ajendaha maanta oo ahaa warbixin laga dhageystanayo Guddiga Dastuurka, laakiin iyadoo ay jirto qaab sharci ah oo ajendaha loo bedeli karo ayaa waxaa muuqata inay doorteen bannaanbax iyo qaab kale.
Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan xildhibaanno tiro yar, iyadoo la filayo inay so ururaan duhurnimada.


