War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay goor dhow ansixiyeen Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Arrintan ayaa ka danbeysan kadib markii ay shalay xildhibaanno badan diideen inay ka soo xaardiraan kulanka arrimo ka dhashay mushaarka xildhibaananda, waxaana xalay kulamo is daba joog ay ka dhaceen magaalada Jowhar, kuwaasoo lagu qanciyeyn xildhibaanadii gadoodsanaa.
Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 79 xildhibaan, waxaana kalsoonid siiyay Golaha Wsiirada 77 Xildhibaan, iyadoo 2 xildhibaan ay diideen, mana jirin cid ka aamustay. Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Golaha Wasiirada ay yihiin ansax, wuxuuna dalbaday in la dhaariyo.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaalad adag kasoo wajahday golaha wasiirada ee uu magacaabay bishii hore, kadib markii uu soo dhisay golihii ugu badanaa ee wasiiro oo dibadda laga keenay intooda badan.