Xaflad algu furayo shaqada dekadda weyn ee magaalada Muqdisho xilliga habeenkii ayaa caawa ka dhacday xarunta dekadda, iyadoo lagu dhaawaqay inay dekaddu shaqeyneyso 24-ka saac.
Munaasabadda kordhinta xilliga shaqada Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka, wasiirka Maaliyadda, wasiirka Gadiidka Dekadaha, taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kala duwan.
Ujeedka loo balaariyey shaqada dekadda ayaa la sheegay in ujeedkoodu yahay in lagu kordhiyo dakhliga kasoo xerooda dekadda oo ah isha ugu weyn ee dakhliga kasoo galo magaalada Muqdisho.