Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Deni: “Ma daawan karno Dowladda Federaalka inay diidaan qeybsiga Deeqaha Caalamiga ah..”

    Deni: “Ma daawan karno Dowladda Federaalka inay diidaan qeybsiga Deeqaha Caalamiga ah..”

    March 15, 2020Updated:March 15, 20202 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Madaxda Ddowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay awood u adeegsatay burburinta maamul Goboleedyada, isla markaana hareer martay sharcigii Federaalka iyo Dastuurka KMG ah.

    Ujeedka Shirka wada-tashiga Puntland ayaa laga dhadhansan karay khudbadii madaxweyne Deni ka jeediyey shirka oo u badneyd eedeyn uu u jeediyey dowladda federaalka, isagoo sidoo kale ka hadlay marxaladihii ay soo martay Puntland oo hadda jirsatay 21 sano.

    “Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka, iyagoo si ula kac ah u raba inay u maroorsadaan dhammaan awoodaha dalka si aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah  taasi oo Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka”

    Madaxweyne Deni

    Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalku inaysan wax ahmiyad ah siin dhammeystirka Dastuurka, la-dagaalanka argagixisada iyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta taasi oo kaliya loo mari karo sida uu yiri qorshe heshiis lagu yahay.

    “Dhammaan deeqihii caalamiga ah ee soo maray Dowladda Federaalka waxay noqdeen kuwo aan si hufan loogu qeybin dadka Soomaaliyeed, inta badan loo isticmaalay arrimo siyaasadeed” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxeynah Puntland oo dhinaca kale sheegay inaysan suurtagal ahayn in Puntland ay iska daawato arrimahan.

    • Wasiir Cawad oo u jawaabay Deni: “Diyaarad kasta oo Xamar timaada waxaan filanaa in madaxweyne Deni la socdo”

    “Suurtagal ma aha, in dowladda federalka ka leexato mabaadii’dii loo asaasay dowlada Federaalka, dasuurka kumeel gaar ah, ay diido wadatashi, burburin iyo faragelin joogta ah ku sameeyaan, dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka, , samaystaan shuruuc iyo xeerra, innagu sidaas ku daawadano…”

    Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in khudbada Madaxweyne Deni ay ahayd tabasho ayna diyaar u yihiin inay ka gar naqsadaan. “Wixii Madaxweynuhu Halkaa ka akhriyay Cadaawad maahee Waa Cabasho aanu Dowladda Fadaraalka ka Qabno, Cabashadana idinkaan idiin soo gudbinay, diyaarna waanu unahay inaanu ka Garnaqsano” ayuu yiri Axmed Karaash Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.

    Hoos ka akhriso jawaabta wasiirka arrimaha dibadda

    Wasiir Cawad oo u jawaabay Deni: “Diyaarad kasta oo Xamar timaada waxaan filanaa in madaxweyne Deni la socdo”
    Deni Garowe Puntland Shirka wadatashiga Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenya oo karaantiil ku sameysay 45 Qof oo looga shakiyey Cudurka Coronavirus.. (Akhri sababta)
    Next Article Gaari Ambulance ah oo lagu Qarxiyey Gaarisa & Dad uu ku jiro Bukaan oo ku dhintay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo