Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caddeeyay waxa ay ku diideen Doorasho Qof iyo Cod ah sida ay wadaan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada madaxa bannaan.
Isagoo ka hadlayey daahfurka Xisbiga KAAH ee uu guddoomiyaha u yahay ayuu Madaxweyne Deni sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu sheego in Puntland aysan rabin Doorasho Qof iyo Cod ah oo looga gudbayo nidaamka beelaha ku dhisan ee 4.5.
“Puntland waxay diidan tahay in la isku dhex khaldo nidaam qabiil (4.5) iyo doorasho sax ah oo Qof iyo Cod ah.. Annaga waan ka guurnay nidaamkaasi.. laakiin gobollada kale daruufta ka jirta uma eka inay qaban karaan shaqadaan oo kale..” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Siciid C/llaahi Deni wuxuu intaas ku daray inay Puntland ka dhici kato doorasho qof iyo cod ah, laakiin Somaalida kale aysan ka qabsoomi karin, sidaas darteedna ay ka shaqeyneyso doorasho heshiis lagu yahay.