Liibaan Maxamud Madaxweyne oo ahaa sarkaal ka goostay ciidamada dowladda Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalkii uu dhowaan magaalada Dhuusamareeb ka dhacay oo ay qabteen ciidamada Ahlu suna ayaa ugu danbeyn la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.
Sarkaalkan oo dhaawiciisa waxba looga qaban waayay isbitaalada degaanada Ahlu suna ayaa halka loo qaadayo ay isku qabsadeen dowladda Federaalka iyo Ahlu suna oo markii dambe ogolaaday in ehelkiisa ay ku wareejiyo lana geeyo magaalada Gaalkacyo.
Dhaawaca Liibaan Maxamuud Madaxweyne ayaa hadda lagu qaabilay Isbitaalka Carafaad Ee ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay in qalliin lagu sameyn doono iyadoo xabbad sinta ka haleeshay ay ku taagan tahay weli.
Ahlu suna ayaa shardi iyo damaanad ku siisay ehelka Sarkaalkan inay dib ugu soo celiyaan Dhuusamareeb, marka yy bogsoodo, waxayna sheegeen inay Maxkamad saari doonaan si loogu qaado dembigii uu galay.
Wararka Gaalkacyo laga helayo ayaa sheegaya Isbitaalka la dhigay sarkaalka Koofurta Gaalkacyo ay ilaalo ka hayaan Ciidamada Maamulka Galmudug oo aan la ogeyn inay fuliyaan balanqaadkii ehelkiisa iyo inay ka horjeedaan.
Wadani.com