Koox dabley ah oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa maanta fal afduub ah ka geystay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.
Dableydan ayaa la sheegay inay saaka tageen suuqa iyagoo ganacsade lahaa Bakhaar lagu magacaabo Alfaraj ay afduubteen xilli uu doonayay inuu Bakhaarkiisa furto, waxayna ku kaxeysteen gaari ay wateen.
Xaaladda suuqa ayaa isu bedeshay mid kacsan, iyadoo aan dhowaanahan lagu arag suuq in maalin cad laga qafaasho meheradiisa.
Dadaal ay sameeyeen ganacsato iyo qaraabada ninka ganacsadaha ah ee la afduubtay ayaa la sheegay in kooxda afduubka geysatay ay ganacsadaha geysteen degaanka Ex. Koontarool Afgooye iyadoo dalbaday in la siiyo lacag madax furasho ah oo dhan 200 doolar.
Ganacsadaha ayay markii dambe soo daayeen markii ay heleen lacagtii ay dalbadaan, waxana arrintan noqotay mid xaalad cabsi ah ka abuurta suuqa oo qeyb ka mida aan maanta gelinkii hore la furin.
Wadani.com