Dhacdo naxdin leh ayaa laga soo weriyay magaalada Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu dilay 4 qof oo ka mida qoyskiisa, kadibna isagii is-dilay.
Dilka noocan ah oo naadir ka ah Soomaaliya ayaa ka hacay degmadda Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafad ku dhow Warshadii Sifeynta Bartoolka, waxaana wararku sheegayaan in ninka dilka geystay uu dilay xaaskiisa, walaashiis iyo laba qof oo ay ilmo adeer ahaayeen, isagoo kadibka is dilay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Maxamuud Caddaan uu shalay soo iibsaday qori AK 47 ah, isagoo kadibna maanta falkan naxdinta leh fuliyey. Dadka uu dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:
1- Xaawo Maxamuud Caddaan – Walaashiis,
2- C/llaahi Maxamed Yalaxow -Ilmo Adeer
3- Maxamed Tuur-yare – Ilmo Adeer
4- Xaliimo Xuseen Cali Kowshe – xaaskiisa
Ma jirto cid faahfaahin ka bixisay dhacdadan iyo sababta keentay, waana tii ugu horeysay ee nooceeda ah Soomaalida dhexdeeda.