Iyadoo magaalada Garowe ay caawa martigelineyso siyaasiyiintii ugu badnaa ee u soo martiya iyo madaxda dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa maamul Goboleedyada aya magaaladaasi maanta u ahayd maalin mashquul badan oo soo dhoweyn ku soo idlaaday.
Soo dhoweynta wufuudda waxaa barbar socday dhacdooyin aan hore magaalada Garowe u soo marin oo ay maanta u soo joogtay, kadib markii in ka badan 10 duulimaad ay halkaasi ka degaan oo siday dad u badan siyaasiyiin, waxaana arrimaha ugu yaabka badnaa ee maanta dhacay ka mida.
Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni
Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiiisa oo saaka tegay garoonka Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garowe waxay soo dhoweeyay inta badan wufuuddii halkaasi ka degtay, isagoo ka hortagay madaxdii iyo siyaasiyiintii kale, waxayna wadajir u soo dhoweeyeen madaxweynayaasha maamullada, madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Ilaalada Madaxweyne Axmed Madoobe
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay magaalada Garowe la tegay ciidamo ilaalo u ah oo dareys gaar ah ku lebisan, iyadoo tiradooda lagu sheegay 30 askari oo si weyn u qalabeysan, waxaana la siiyey laba gaari kuwa Landcruiser-ada ah ee qoryaha waaweyn saaran yihiin.
Waxaa si weyn loo hayey arrinta Axmed Madoobe oo aan hore looga baran inuu ciidamo la tago Garowe, taasoo loo fasirtay inuu inuu kula tartamayo madaxweyne Farmaajo oo ciidamo ilaalo u ah geeyay magaalada.
Laba guddoomiye haween
Waxaa magaalada Garowe lagu soo wada dhoweeyay laba haweeney oo wada sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Batuulo Sheekh Axmed iyo , Ayaan Cabdullaahi Axmed.
Amarkii Taliyaha ciidamada Booliska Puntland
Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa amar ku bixiyey in taageerayaasha siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee sita sawiradiisa iyo kuwa xisbigiisa laga saaro garoonka Garowe, amarkaas oo shaqeeyay. Amarkii kale ee ahaa in saxaafadda aanay baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiinta mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya ayaa socon waayey oo markii danbe la jebiyey.
Mashquulka saxaafadda
Garoonka magaalada Garowe ayaa noqday goob mashquul badan, waxaana xaaladda uga sii daray saxafiyiinta fara badan ee daba ordaya mas’uulkii yimaada, kuwaasoo buux dhaafiyey qeybta soo dhoweynta ee Garoonka Garowe.